Iyadoo ay sii socdaan weerarada isxigxiga ee ay Yahuuddu ka geysaneyso dalka Suuriya, ayay shalay waxay weerar culus ka gaysteen magaalada Palmyra ee dalka Suriya, kaas oo sababay dhimashada dad badan oo Suriyaan ah.
Laamaha caafimaadka ee Suriya ayaa manta oo khamiis ah xaqiijiyay, in dhimashada weerarkaas ay gaartay 68 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas kabadan.
Illo goob joogayaal ah oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay, in dadka ku dhintay weerarka ay kala yihiin 42 xubnood oo ka tirsan kooxaha taageersan Iran, kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Suriya oo ay ku jiraan 5 sarkaal oo gacan saar dhow la lahaa ururka Xisbullaah, sidoo kale dadka weerarka ku dhintay waxaa kamid ahaa 22 xubnood oo aan u dhalan Suriya, kuwaas oo katirsanaa dhaqdhaqaaqa Nujba, halka 4 xubnood oo katirsanaa Xisbullaah ay ka mid ahaayeen dadka lagu dillay weerarka.
Waxaa xusid mudan in tan iyo markii ay bilowdeen colaadda Suuriya sannadkii 2011-kii, ay Yahuuddu boqolaal duqeymo ah ka fulisay dalkaas, kuwaas oo ay ku beegsanayso waxay Yahuuddu ku sheegtay bartilmaameedyo ay leedahay Iiraan iyo Xisbullah.