Yahuudda oo Askar iyo Sarkaal looga Dilay Dagaalada Kasocda Qaza iyo Lubnaan.

29
0

Ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in taliye ku xigeenkii guutada 9308 iyo hal askari ay ku dhinteen 3 kalena ay si xun ugu dhaawacmeen dagaaladii ka dhacay koonfurta Lubnaan, taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa 3 askari iyo dhaawaca 20 kale, dagaaladaas oo ka kala dhaawacay  marinka Qaza iyo konfurta Lubnaan.

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in taliye ku xigeenkii guutada 9308, ninka lagu magacaabo Aviram Hari oo 42 sano jir ahaa, lagu dilay dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Wararku waxay intaas ku darayaan, in isla dhacdadaasi ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen 3 Askari oo ka tirsan Ciidanka Guutada 508-aad, iyadoo la sheegay in Askarta laga daadgureeyay goobta, loola cararay isbitaalada ku yaalla dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato.

Ciidanka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in mid ka mid ah askartooda guutada Nahal lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow xadka marinka Qaza, waxay intaas ku dareen in askari kale uu dhaawac culus kasoo gaaray dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Wargeyska “Israel Today” ayaa sheegay in 16 askari oo Yahuudda ah, lagu dhaawacay dagaallo shalay ka dhacay koonfurta Lubnaan, waxaana loo daadgureeyay cisbitaalka Ziv ee ku yaala magaalada Safeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here