Yahuudda oo Bariga Gaza ku Dishay wiil dhalinyaro ah, Halka Meydad hor lehna laga soo Saaray Burbur Hoostiisa.

32
0

Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay, in wiil dhalinyaro ah uu ku dhintay rasaas ay ciidamada Yahuudda ku fureen bariga magaalada Gaza fiidnimadii Axadda.

Ilaha caafimadka ee Gaza ayaa ku waramaya, in nin dhalinyaro ah ay dileen ciidamada Yahuudda xili uu kormeerayay dhul beereedkiisa oo ku yaala wadada Al-Shaaf ee bariga magaalada Gaza.

Dhanka kale, warbaahinta Falastiin ayaa Axaddii sheegtay, in meydadka 7 qof la soo saaray, halka 3 kalena la dilay, kuwaas oo mid ka mid ah uu u dhintay dhaawac soo gaaray mar hore.

Arintaan ayaa kusoo aadayso iyadoo dhowr kun oo dhibanayaal ah ay weli ku hoos jiraan burburka hoostiisa, kooxaha gurmadka iyo shaqaalaha difaaca madanigana aysan gaari karin.

Waxaa xusid mudan in xabad joojinta Marinka Gaza ay dhaqan gashay 19-kii bishii Janaayo, tan iyo markaas tiro Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, laguna dhaawacay qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here