Xafiiska Warbaahinta ee maamulka Marinka Ghaza ayaa maanta shaaca ka qaaday, in gumaystaha Yahuudda uu biyaha u badalay qalab xasuuq iyo hub si tartiib tartiib ah loogu dilayo in ka badan 2.4 Milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Marinka.
Waxa uu intaasi ku daray bayaan uu soo saaray, in Yahuudda ay beegsanayso dhamaan kaabayaasha biyaha iyo wasiilo kasto oo ay biyo ku gaari karaan bulshooyinka ku nool Marinka Ghaza , si ruuxii ka badbaada xasuuqiisa uu oon iyo harrad ugu dhinto.
Waxa uu xaqiijiyay Xafiiska, in Yahuudda ay dhawaan carqaladaysay labo shirkadood oo biyaha gaynayay bariga magaalada Gaza iyo bartamaha Marinka , kuwaas oo in ka badan 35 Kun oo mitir kuyuubik oo biyo ah maalin kasta siinayay in ka badan 700 boqol oo kun oo Falastiiniyiin ah.
Waxa ayna Yahuudda burburiyeen, in ka badan 90 boqolkiiba kaabayaasha biyaha iyo fayadhowrka Marinka Ghaza , iyagoona ka hor istaagay shaqaalaha farsamada inay gaaraan Ghaza si ay u dayactiraan kaabayaasha burburay, halka shaqaalaha qaarkood la beegsaday iyagoo gudanaya waajibaadkooda bini’aadantinimo, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee maamulka Marinka Ghaza.
Si kastaba ahaatee Yahuudda ayaa dagaal dhan walba ah kula jirta ehelkeena reer Ghaza, iyadoo malaayiin Muslimiin ah ay isha ka daawanayaan jasadkooda ay feenanaysa Yahuudda arxanka daran.