Yahuudda oo Ciqaabo Aargoosi ah ku soo Rogtay Haweenka Falastiiniyiinta ee maxaabiista ah.

22
0

Hay,add qaabilsan arrimaha maxaabiista oo uu leeyahay Maamulka Maxamuud Cabaas ee Falastiin ayaa shaaca ka qaaday, in maamulka xabsiyada Yahuudda ay ku soo rogeen ciqaab aargoosi ah maxaabiista Falastiiniyiinta ah  ee ku jira xabsiyadooda, iyaga oo ka reebaya baahiyaha ugu hooseeya ee bini’aadantinimada.

Bayaan ay soo saaray shalay oo Axad ahayd ayeey ku sheegtay Hay,adda, in qareenkooda ay u suurtagashay in uu booqdo qaar kamid ah maxaabiista dumarka  oo tiradooda lagu sheegay  95 qof, waxayna sawir ka bixiyeen haweenku dhibaatada ay kala kulmaan xabsiyada ay ku xiran yihiin.

Hay,adda ayaa cadaysay, in maamulka xabsiyada Sahaayinada ay si ula kac ah ugu soo rogeen ciqaabo dheeraad oo aargoosi ah maxaabiista dumarka, iyagoo ka xayuubiyay waxyaabaha ugu yar ee ay u baahan yihiin aadanaha, sida dharka, cuntada iyo daawada, iyadoo ay u sii dheertahay in lagu sameeyo baaritaanno, garaacid iyo caburin.

Hay,adda  ayaana tilmaamtay in tirada dadka laga xiray Daanta Galbeed iyo Quddus tan iyo 7-dii Oktoobar 2023 ay gaartay in ka badan 11,500 oo ruux.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here