Yahuudda oo Dadka Muslimiinta ah ka Hor-istaagtay inay ku Cibaadaystaan Majidka Barakaysan ee Al-Aqsa.

8
0

Ciidamada gumaystaha Yahuudda ayaa Maalintii saddexaad oo xiriir ah, dadka musalliinta ah u diiday inay ku tukadaan masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Al-Qudus ee ku hoos jirta gumaysiga Sahaayinada Yahuudda, iyaga oo ku andacoonaya xaaladda ammaanka oo kacsan.

Tan iyo waaberigii Jimcihii ina naafay oo uu bilowday duullaanka ay Yahuuddu ku qaaday dowladda Iiraan, ciidamada gumeystaha Yahuudda ayaa gabi ahaan xiray albaabada Masjidka Al-Aqsa, iyaga oo u diidayay dadkii ku cibaadeysanayay inay gudaha u galaan.

Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale, iyagoo ku marmarsiyoonaya sababo amni waxa ay xannibaado xooggan kusoo rogeen dadka deggan magaalada Qudus iyo agagaarkeeda.

Xiritaankani lagu sameeyay masjiidul Aqsaa ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah, tan iyo markii uu faafay cudurkii COVID-19, dadka Muslimiinta ah ee degan magaalada Qudus ayaa tallaabadini ku sheegay, mid looga golleeyahay in lagu beddelo madaahirta diimeed ee magaalada iyada oo magaalada barakaysan ee Al-Qudus ay wajahayso marxaladdii ugu khatarta badnayd ee Yahuudiyaynta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here