Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqday, in 24 qof ay ku dhaawacmeen weerar ay Yahuuddu ku qaadday magaalada Nabatie ee koonfurta dalkaas Talaadadii shalay.
Warbaahinta ayaa sheegtay, in diyaaradaha dagaalka ee Sahaayinada ay weerar ku qaadeen agagaarka magaalada Nabatieh al-Fowqa oo ah markii ugu horreysay oo ay weerar ku qaadaan magaaladaas.
Dhankooda ciidanka gumaysiga ayaa sheegtay, in ay beegsadeen labo baabuur oo ay wateen ururka Xisbullaah oo hub ka daabulayay deegaanada Al-Shaqif iyo Nabatieh ee koonfurta Lubnaan.
Mar sii horeysay, ciidamada Lubnaan ayaa ka hadlay sii socoshada weerarada Yahuudda ay ka geysanayaan deegaanada dhaca xadka koonfureed, iyagoo dhanka kalana ku dhawaaqay in ay sii wadayaan in ciidamadooda la geeyo magaalooyinka koonfureed kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Sahaayinada.
Tan iyo Axaddii, tonaan shacab ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay rasaas ay fureen ciidamada Yahuudda iyagoo qoysaskooda kula laabtay tuulooyinka xuduudka kadib markii uu dhammaaday 60-kii maalmood ee loo qabtay ciidammada Sahaayinada inay kaga baxaan koonfurta Lubnaan.
Gumaystuhu waxa ay isku dayayaan in ay ku adkaystaan in aan la dhamaystirin ka bixitaanka ciidamadooda ee Koonfurta Lubnaan, halka ra’iisal wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najib Mikati, uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu ogolaaday in la kordhiyo qorshaha heshiiska xabbad joojinta illaa 18-ka Febraayo, si Yahuudda aan loogu helin wax cudurdaar ah oo ah in aysan ka bixaynin dhammaan dhulka Lubnaan.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Xisbullaah Naim Qassem ayaa Isniintii ku dhawaaqay, inuu diiday sababaha loo kordhinayo muddada loo cayimay ka bixitaanka ciidamada Yahuudda. Si kastaba ha ahaatee Yahuudda ayaa umuuqata mid dhabarka ka tuurtay hashiiskii xabad joojinta ahaa ee ay la saxiixatay ururka shiiciga ah ee Xisbullaah.