In ka badan 20 qof, oo ay ku jiraan lix carruur ah iyo shan dumar ah, ayaa lagu dilay duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay xerada qaxootiga ee Nuseyraat ee bartamaha Gazza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.
Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gazza ayaa sheegtay in cisbitaalka Indonesiyan uu la kulmay weerar ay Yahuudda ku qaadday waqooyiga Gazza ee Beyti Lahiya halkaas oo la sheegay in ugu yaraan 29 qof lagu dilay weerarro cirka ah oo lala beegsaday iyo agagaarka cisbitaalka Kamaal Adwan.
Waxaa Lagu soo Warramayaa in taangiyada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ee ka hawlgala agagaarka Kamaal Adwan ay “tooganayaan shay kasta oo dhaqaaqa”, hadday tahay gudaha cisbitaalka ama meel u dhow.
Dagaalka Yahuudda ee Qazza Ayaa Ka dhigan Iney Ku dileen ugu yaraan 44,612 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 105,834 tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Geesta Kale Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Yahuudda intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.