Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Qaza, ayaa warbahinta u xaqiijiyay in ciidamada gumaysigu ay xasuuq ba’an u gaysteen dad shacab ah, oo ku sugnaa Beit Lahia, ayadoo gabi ahaanba ay go’an yihiin isusocodka gaadiidka caafimaadka.
In ka badan 35 falastiiniyiin ah, ayaa ku shahiiday tobanaan kalena way ku dhaawacmeen, kadib duqayn ay Yahuuddu la beegsatay 5 guri oo ku yaalla Beit Lahia taas oo dhacda waqooyiga Marinka Qaza, iyadoo duqeymahan ay ku soo beegmayaan xilli magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Qaza lagu garaacay duqaymo culus.
Warbaahin maxaliya ayaa sheegtay in ay jiraan dad wali la’layahay, kuwaas oo kusugnaa goobta ay duqayntu ka dhacday. Guryahan la beegsaday ayaa hoy u ahaa dad badan oo barakacayaal ah.