Agaasimaha isbitaalka Indonesia ee Gaza ayaa Sabtidii maanta sheegay, in taangiyada Yahuudda ay duqeeyeen isbitaalka, isla markaana ay ku hareeraysan yihiin dhammaan dhismaha oo ay ka jareen korontadii, isagoo carabka ku adkeeyay inay jiraan khataro ba’an oo ku hareeraysan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada.
Agaasimaha Isbitalka ayaa faah faahin ka bixiyay Madaafiic ay ku garaaceen ciidamada gumaystaha Dabaqa labaad iyo Saddexaad ee Isbitaalka, taas oo muujineysa in howshaas ay uga gol leeyihiin in ay burburiyaan wixii ka haray adeegga Caafimaadka si dadka deegaanka ay uga baxaan.
Agaasimaha cisbitaalka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay soo faragaliyaan si loo badbaadiyo waxa ka haray nidaamka caafimaad ee marinka Gaza, halka ilo wareedyo ay sheegayaan in ay ciidamada Sahaayinda bilaabeen inay burburiyaan qaybo ka mid ah isbitaalka Indonesia ee waqooyiga Marinka Qaza.
Mar sii horeysay Agaasimaha Isbitaalka Al Cawda oo la hadlay Aljazeera ayaa sheegay, in xaaladda caafimaad ay tahay mid aad u daran, marka loo eego dawo la’aanta heysata isbitaalka, iyadoo ilo wareedyo ay sheegayaan in kooxaha caafimaadka ee ka hawlgalo isbitaallada kala ah: Kamaal Cadwaan iyo Al-cawda ay awoodi waayeen in ay wax ka qabtaan dhaawacyada faraha badan ee ka dhashay duqeynta joogtada ah.