Yahuudda oo Duqaymo ka Fulisay Buuraha Ciqlim Al-Tuffah ee Koonfurta Lubnaan.

20
0

Ciidamada guumaysiga  Yahuuddu ayaa xalay labo weerar oo duqayn ah ku qaaday gobolka Iqliim Al-Tuffah ee koonfurta Lubnaan, waxayna sidoo kale duullaan ku qaadeen buuraha bari ee kala qaybiya Lubnaan iyo Suuriya.

Arintan ayaa imaanaysa kaddib markii ciidamada Yahuuddu ay shalay khamiistii gudaha u galeen labo magaalo oo ku yaalla gobolka Nabatieh ee koonfurta Lubnaan, dhacdadan ayaana qayb ka ah jabinta heshiiskii horay ay uwada gaareen labada dhinac.

Shalay Khamiista, ciidamada Yahuudda ayaa hawlgal cusub oo burburin ah ka fuliyay guryo ku yaalla magaalada Kfar Kila, oo ku taalla degmada Marjeyoun, iyadoo dadka magaalada ay sugayeen maalmo si ay u galaan magaaladooda. Isla degmadaas ayay ciidamada Yahuuddu ku qarxiyeen dhismayaal dhowr ah oo ku yaalla magaalada Mays al-Jabal.

November 27, 2024-kii, heshiis xabbad-joojin ah ayaa soo afjaray duqeymo ay isweydaarsanayeen ciidamada Yahuudda iyo ururka Xisbullaah oo billowday 8-dii Oktoobar, 2023-kii, wuxuuna isu beddelay dagaal ballaaran 23-kii Sebtembar.

Heshiiskan ayaa waxaa ku jiray in muddo 60 maalmood ah ay Yahuuddu uga baxdo magaalooyinkii ay ka qabsatay koonfurta Lubnaan intii uu socday dagaalka, hasa ahaatee Sahaayinada ayaa dhamaan ku gacan sayrtay dalabyadaas, ayadoo wali kusii sugan magaalooyinkii ay horay u qabsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here