Ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, inay weerareen 12 xarumood oo ku yaalla duleedka koonfureed Beirut, oo ay leedahay hay’adda sirdoonka iyo qaybta gantaallada ee Xisbullaah.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay, in Weeraro aad udaran oo xiriir ah ay Sahaayinadu la beegsatay xaafadaha kala ah: Haret Hreik, Bir al-Abd iyo Ghobeiry oo dhaca duleedka koonfureed ee Beirut.
Horaantii saaka, wakaaladdu waxay sheegtay, in diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ay laba weerar ku qaadeen deegaanka koonfureed ee Beirut gaar ahaan aagga Al-Kafaat, laamaha ammaanka ee Lubnaan ayaana xaqiijiyay, in weerarrada Sahaayinada ay burburiyeen laba dhismo oo la deggan yahay.
Fiidnimadii Axadda, dawladda Lubnaan waxay go’aansatey in ay joojiso soo xaadiritaanka dhamaan goobaha wax barashada sida dugsiyada, machadyada iyo jaamacadaha, kuwa dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ee ku yaalla caasimadda Beyruut iyo deegaannada u dhow, waxayna ardayda duruusta ku qaadan doonaan qaab fogaan arag ah, waxana waxbarashada fogaan aragga ah ay socon doontaa illaa dhamaadka sanadkan, xaaladaha khatarta ah ee jirta awgeed.
Dhankeeda, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay shalay, in 58 qof ay ku dhinteed, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Yahuudda ku qaadday goobo dhowr ah oo dalkaas ka tirsan.