Yahuudda oo Duqaymo ka Fulisay Iskuul ay Dad Barakacayaal ah Daganaayeen.

10
0

Maanta oo Isniin ah Marinka Qaza waxaa ka dhacay xasuuq bahalnimo ah oo ay fuliyeen ciidamada Yahuudda, iyadoo duqeymo xaga cirka ah iyo madaafiic lala beegsaday goobo kala duwan oo katirsan marinka, sidoo kale waxaa barbar socday howlgalo ballaaran oo ay ciidamada Yahuuddu ku burburiyeen dhismayaal la degganaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in ciidamada Yahuuddu ay dab qabadsiiyeen iskuulka Zaid Bin Haritha oo ku yaalla Beit Lahia, kaas oo ay degenaayeen dad barakacayaal ah, dadkii daganaa iskuulkan ayaa si khasaba looga bixiyay, kaddib markii ay ciidamo Yahuudd ah ay xoog kusoo galeen magaalada. Muuqaalo la faafiyay ayaa muujinaya dab ka kacay gudaha Iskuulka la weeraray.

Ilo maxalli ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Yahuudda ay duqeymo ba’an ku qaadeen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka Marinka Qaza, oo ay ku jiraan deegaannada Al-Satafawi iyo Jabalia, iyadoo rasaas xooggan ay ridayaan gaadiidka dagaalka ee ay Yahuuddu wataan.

Ciidamada Yahuudda ayaa beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa Isgooyska Al-xalabi ee Jabalia Al-Balad, halkaasi oo ay ku dileen 3 qof oo falastiiniyiin ah, qaar kalena  ay dhaawaceen, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Duqeymaha Yahuudda ayaa sababay shahiidka 5 falastiiniyiin ah iyo dhaawac tiro kale, kuwaas oo ka dhacay qeybo kala duwan oo ka tirsan marinka Qaza. Warbixinadii ugu horeeyay waxay muujiyeen burbur baahsan oo soo gaaray kaabayaasha iyo tas-hiilaadka muhiimka ah, taasoo sii qoto dheereysay dhibaatooyinka bini’aadantinimo eek a jirta Marinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here