Diyaaradaha dagaalka ee maamulka Yahuudda ayaa xalay fiidkii duqaymo ka gaystay xad beenaadka u dhaxeeya dalalka Suuriya iyo Lubnaan, iyaga oo sheegay inay bartilmaameedsadeen xarumo ay halkaas ku lahaayeen kooxda shiicada ah ee Xisbullaah.
Warbaahinta Lubnaan ayaa kusoo warantay in ciidamada Yahuuddu ay beegsadeen ugu yaraan 5 saldhig oo ay Xuutiyiintu ku lahaayeen buuralayda bari ee dhanka Suuriya, iyaga oo si gaara u beegsaday Dooxada Bekaa ee ka tirsan dalka Lubnaan.
Duqaymahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo isbuucii lasoo dhaafay ay Yahuuddu duqaymo xoogaggan ka fulisay gudaha dalka Suuriya, weerarkan ayaana si gaara u beegsaday agagaarka aqalka madaxtooyada ee magaalada Dimish ee caasimada Suuriya.