Diyaaradaha Yahuudda ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday xarumo ku yaalla Sanca iyo Xudeydah subaxnimadii Khamiista, wax yar kaddib markii lagu beegsaday dhulka ay Yahuudda gumaysato gantaal cusub oo laga soo tuuray dalka Yemen.
Warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay, in Sahaayinada ay fulisay weerarro gardarra ah oo ka dhan ah Labada magaalo.
Dhankeeda, shabakadda Axios oo soo xiganaysa mas’uul Yahuudi ah ayaa sheegtay, in ciidammada gumaystaha ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen magaalada Sanca.
Shabakaddan ayaa sidoo kale ka soo xigatay sarkaal Ameerikaan ah oo sheegay, in Yahuudda ay horey ugu wargelisay Mareykanka duqeymaha ay ciidamadaeedu ka billaabeen dalka Yemen.
Sidoo kale, Wakaalladda Wararka ee AP oo soo xiganeysa Mas’uul kale oo Ameerikaan ah ayaa sheegtay, in Mareykanka uusan fulinin weerarada Yemen.
Warbaahinno taabacsan Xuuthiyiinta oo Faahfaahin ka bixinayso weerarka cusub ee ay Yahuudda ku qaaday dalka Yemen ayaa sheegay, in Sanca iyo Xudeydah lagu qaaday weerarro is-daba-joog ah.
Waxa ay intaas ku dareen, in weerarrada lala beegsaday Labo xarumood oo tamarta dhexe ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga caasimadda Sanca, halka weeraro kale lala beegsaday dekedda Xudeydah iyo xarunta saliidda ee Ras Ciise. TV-ga Al Masirah ayaa sheegay, in duqeynta Xudeyda ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shaqaale ka tirsan xarunta saliidda ee Raas Ciisa.