Ciidamada Yahuudda ayaa weerar ku qaaday bakhaaro lagu kaydiyo hubka kiimikada ee Suuriya, waxayna isugu yeereen ciidamada cirka iyo dhulka ee buuraha Golan Heights, taasoo ku soo beegantay xilli ay sii ballaaranayso awoodda mucaaradka hubeysan ee Suuriya ay ku hayaan dhul ballaaran oo dalkaasi ka tirsan.
Channel-ka 12-aad ee Yahuudda ayaa sheegay, in weerarka ay ciidamadu ku qaadeen bakhaarada hubka uu yimid kaddib horamarada balaaran ee ay samaynayaan kooxaha mucaaradka Suuriya, waxayna Yahuuddu ka baqaysaa in hubkaas kimikada ah uu gacanta ugalo kooxahaas.
Dhiniciisa, wargeyska “Israel Today” oo soo xiganaya sarkaal sare oo katirsan maamulka Yahuudda ayaa sheegay, in aysan faragalinayn waxa ka socda dalka Suuriya, wuxuuna sheegay in dhaqdhaqaayada ka socda dalkaas ay isha ku hayaan, kooxahan mucaaradka ah ayaa dhankooda cadow ku ah Yahuudda si kadaran nidaamka Bishaar Al-Asad.
Warbaahinta Yahuudda ayaa Jimcihii shalay sheegtay, in Tel Aviv ay ka cabsi qabto in xukuumadda Bashaar Al-Asad ay burburto, isla markaana ay isu diyaarinayso wax kasta oo ka dhalan kara dagaaladan oo ay ka mid tahay in hub istiraatiji ah uu gacanta u galo mucaaradka Suuriya.
Geesta kale, wargeyska Maariv ayaa sheegay in ciidamada Yahuudda ay gurmad u soo direen deegaanka Golan oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan guutooyinka Golani iyo Nahal, xilli ay isku diyaarinayeen duqeymo ay ka geysanayaan gudaha dalka Suuriya.
Yahuudda ayaa cabsi wayn ka qabta guulaha isdaba jooga ah ee ay gaarayaan kooxaha mucaaradka Suuriya, waxayna difaac adag ka xirteen xadka ay la wadaagaan dalka Suuriya, si aysan kooxahan ugasoo gudbin buuraha Golan.