Diyaaradaha Sahaayinada ayaa weerar ka gaystay bartamaha iyo koonfurta Suuriya, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xili saacadihii hore ee maanta, ay diyaaradaha Yahuuddu weerar duqayn ah ku ekeyeen xurumo ciidan oo ku yaala dalka Iran.
Duqeyntan ayaa ka dhacday gobolka Xalab ee waqooyiga Suuriya, waxaa lagu dilay ugu yaraan 36 askari oo Suuriyaan ah iyo 5 askari oo katirsan ururka shiicada ee Xisbullaah.
Wakaalladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa xaqiijisay in weerar cirka ah lala beegsaday qaar ka mid ah xarumaha militariga ee ku yaala bartamaha iyo koonfurta Suuriya.
Wakaaladdu waxay intaa ku dartay, nidaamka difaaca cirka ee Suuriya in uu ka jawaabay gantaallo ay Yahuuddu ka soo tuureen dhulka ay guumaysiga ku haystaan ee Golan, iyagoo xaqiijiyay in tiro ka mid ah gantaaladaas lasoo riday, balse wax wara kamasoo bixin goobaha la beegsaday