22 qof ayaa ku shahiiday, oo ay ku jiraan 15 caruur iyo haween, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ka dhacay madaraso ku taalla xerada Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, taasoo ka dhigeysa tirada xarumaha barakacayaasha ah ee ay gumaystaha duqeeyeen tan iyo bishii October ee sanadkii hore 191 xarumood, waxaa kale oo ay Yahuuddu duqayn la beegsatay barakacayaasha Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee Deir Al-Balah.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta ee Qaza ayaa lagu sheegay in ciidamada gumaystaha ay xasuuq hor leh ka geysteen Madarasada Al-Mufti oo ay daganayeen dad barakacaal ah, taas oo ku talla xerada Nuseyrat, isagoo og gumaystuhu in madarasadaas ay ku jiraan kumanaan caruur iyo haween oo barakacayaal ah, ayuu hadana duqeeyay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in gumeystaha Yahuudda iyo dawladda Mareykanka ay si buuxda mas’uul uga yihiin sii socoshada xasuuq wadareedka ka dhanka ah dadka rayadka ee ku nool Marinka Qaza.
Muqaawamada Falastiin ayaa sheegtay in sii socoshada xasuuqa ka dhanka ah dadka falastiiniyiinta ay tahay, in guystaha uu wali ku taaganyahay siyaasaddiisii ahayd beegsiga dadka rayadka ah, ee ku nool xaafadaha la deggan yahay iyo xarumaha barakacayaasha.
Wax yar ka dib xasuuqii Nuseirat, Yahuuddu waxa ay beegsadeen teendhooyin ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah, oo ku yaala Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee Deyr Al-Balah, ciidamada difaaca madaniga waxa ay sheegeen, in shaqaalahooda ay isku dayayaan in ay xakameeyaan dabka ka kacay teendhooyinka barakacayaasha ee isbitaalka.
Xafiiska Warfaafinta ee Qaza ayaa ku dhawaaqay in duqaymaha lala beegsaday teendhooyinka barakacayaasha ee isbitaalka, ay ka dhasheen dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 40 kale.