Yahuudda oo Duqeymo ay Ka Fulisay Dalka Iiraan La Beegstay Xarumo Millatari.

19
0

Diyaaradaha dagaaalka ee kayyaanka Yahuuddu ayaa habeenkii xalay silsilado duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday gobolla kala duwan oo ka tirsan dalka Iiraan.

Warbaahinta dowladda Shiicada ee Iiraan ayaa sheegtay, in qaar kamida duqaymahaas lala beegsaday cutubyo millatari oo ku sugnaa mandiqadda Buustana-aabad oo dhacda gobalka Adrabiiyjaanta-Bari ee waddanka Iiraan, halkaas oo lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan.

Halka afar qarax oo waawayn laga maqlay aagga warshadaha ee magaalada Rashat ee waqooyiga Iiraan. Taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday, in nidaamkooda difaaca cirka ay xalay ku burburiyeen labo diyaaradood oo yar-yar oo ay leedahay Yahuudda, kuwaas oo dul heehaabayay meel ku dhow warshada saliidda ee Tehraan.

Dhanka kale, waxaa tafaasiil laga helayaa gantaal ay habeenkii xalay Iiraan la beegsatay magaalada Bi’ru-Sabca ee koonfurta dhulka Falastiin ee la haysta, gantaalka Iiraan ayaana sida ay xoguhu tilmaamayaan  ku dhacay xarun tignoolajiyadeed oo ku taalla magaaladaas, taas muhiim u ahayd kayyaanka Sahaayinada.

Waxaa intaasi dheer inay jiraan Tobanaan ruux oo ku dhaawacmay gantaalladaas, iyadoo warbaahinta Yahuudda ay soo tabisay, in dad gaaraya Soddon qof naxdin iyo argagax awgeed ay xakamayn waayeen nafsadooda taas oo keentay in lagu biiriyo liiska dadka dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here