Yahuudda oo Duqeymo ka Fulisay Waqooyiga Marinka Gaza.

18
0

Wararka inaga soo gaaraya marinka Gaza ayaa kusoo waramaya, in diyaaradaha gumaystaha Yahuuddu ay duqeymo ka geysteen Marinka, taas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dad rayid ah.

Qof Falastiini ah ayaa ku dhintay mid kalena waa lagu dhaawacay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu maanta ku qaadeen Waqooyiga Marinka Gaza.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warantay, in weerarka lala beegsaday koox Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa deegaanka Al-Bura oo dhanka bari kaga beegan magaalada Beit Hanuun.

Arintaan ayaa kusoo beegmayso, iyadoo Sabtidii shalay uu soo idlaaday wajigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta ee marinka Gaza, halka ay jirto xaalad mugdi ah oo ku xeeran dib u soo celinta heshiiska, iyadoo Yahuuddu ay dooneyso inay kordhiso wejiga koowaad, halka Xamaasna ay dalbaneyso in si deg deg ah loo bilaabo wajiga labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here