Yahuudda oo duqeymo ka geysatay magaalada Dimishiq

23
0

Labo qof ayaa ku dhimatay,  kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib duqeyn ay ciidamada Sahaayinada la beegsadeen xaafadda Mezzeh ee caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halka warbaahinta Suuriya ay sheegtay, in weerar kale lagu beegsaday deegaanka Qudsaya ee galbeedka magaalada Dimishiq.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay, in Yahuudda ay  beegsatay laba dhismo oo la deggan yahay oo ku yaalla aagga Mezzeh iyo Qudsaya, waxaana labada xaafadood laga maqlay qaraxyo xooggan.

Geesta kale, Raadiyaha Ciidamada Sahaayinada ayaa sheegay, in weerarka lagu bartilmaameedsaday  xarumo ay leeyihiin hoggaanka Jihaad Islaamig  ee Dimishiq, waxayna sheegeen inaay ahayeen weerarro la sii qorsheeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here