YAHUUDDA OO DUQEYMO KA GEYSATAY QAZZA IYO XAALADDA LUBNAAN

42
0

Waa Maalintii 415-aad ee duullaanka gardarrada ah ee Yuuhhuudda  Xaaqidiinta ah ay ku hayso Muslimiiinta Qazza,  waxaa weli sii socda duullaanka ay ku hayaan marinka Qaza iyo deegaanno kala duwan oo Lubnaan ka tirsan, waxaana ku dhintay tobaneeyo shahiid iyo dhaawac ah.

Dhanka Gazza, ilo-wareedyo caafimaad ayaa Aljazeera u sheegay in 38 shahiid lagu dilay duqeymo ay Yahuuda ka geysatay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Marinka Gaza tan iyo waaberigii Sabtidii.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in 3,670 qof la dilay, 15,413 kalena la dhaawacay tan iyo markii ay bilowdeen gardarada Yahuudda ku heyso Falastiin.

Dhankiisa, Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka milateriga ee guutada Ciiizzal-Diin Al-Qassaam, ayaa sheegay in maxbuus Yahuuudi ah lagu dilay deegaan lagu soo weeraray oo ku yaalla waqooyiga Qaza, isagoo intaas ku daray in nolosha maxbuus kale oo iyada la socotay ay ahayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here