Yahuudda oo Duqeyn Ka geysatay Qazza iyo madaxa WHO oo ku baaqay ‘in cadaabtan la joojiyo.

10
0

Ciidamada Yahuudda ayaa weli sii wada duqeymaha ay ku hayaan Shacabka Qazza, iyagoo ugu yaraan 10 qof ku dilay magaalada Gazza, sidoo kale damiyay korontadii isbitaalka Kamaal Adwan.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku tilmaamay xaaladaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee la go’doomiyay inay yihiin “wax laga naxo” wuxuuna ku baaqay “in cadaabtani ay joogsato”.

Dhibanayaasha duqaymaha Yahuudda ee Isniintii waxaa ka mid ahaa Khaled Nabhan, awoowe ku sugan Gaza oo taabtay malaayiin adduunka ah ka dib markii laga duubay muuqaal isagoo barooranaya inantiisii la dilay, isaga oo ku tilmaamay “nafta naftayda”.

Waxay kadhigan tahay  Dagaalka Yahuudda ee Qazza Inuu dilay ugu yaraan 45,028 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 106,962 tan iyo Oktoobar 7, 2023.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here