Yahuudda oo Geysatay Duqeyn ay Dad badani Ku dhinteen, Iyo Isbitaal Ka howl galla Halkaas oo ay Yahuuddda Xirtay.

5
0

Gumeysiga Yahuudda ayaa 72 saacadood gudahood ku dilay 184 falastiiniyiin ah duqeyn ay la beegsaday goobo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gazza, iyadoo isbitaalka Indonesiya ee waqooyiga Marinka uu shaqo la’aan yahay.

Ilaha caafimaadka ayaa  xaqiijiyay in 66 falastiiniyiin ah 184 ka mid ah ay shahiideen shalay oo sabti ah oo kaliya. Waxaa lasoowerinayaa  in tiro Falastiiniyiin ah – oo u badan haween iyo carruur – ay ku dhaawacmeen labo weerar oo Yahuudda ay ku qaadday 3 guri oo ku yaalla xaafadda Abu Iskander ee galbeedka magaalada Gazza.

Waxaa  intaa dheer in kooxaha difaaca madaniga ah ee falastiiniyiintu ay sii wadaan baadigoobka dadka ku hoos jira burburka,halka shaqaalaha ambalaasku ay dad dhaawac ah u daabuleen cisbitaalka Baptist Baptist ee Gazza,halkaas oo lagu tilmaamay in xaaladooda qaarkood ay halis tahay.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen guri ku yaala agagaarka Masjidka qadiimiga ah ee Sultan oo ku yaala fagaaraha Shawa ee magaalada Gazza, waxaana la beegsaday xaafada Al-Tuffah ee bariga magaalada, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Bartamaha Marinka Gazza, mareegaha maxalliga ah ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeeyeen agagaarka xarunta waqooyiga ee xerada Maghazi, waxaana ku dhintay 4 kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday xerada Bureij gaaar ahaan teendho ku taal albaabka hore ee iskuul ay deggan yihiin dad barakacayaal ah.

Waxaa Sidoo  Kale Ciidamadamo ka tirsan Yahuudda  Xaaqidiinta ay  bambaanooyin fudud ku garaacay isbitaalka Ahli Arab Baptist iyo nawaaxigiisa ee magaalada Gazza, taasoo keentay in xaalad argagax leh ay soo wajahdo shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada – gaar ahaan caruurta iyo haweenka – ee ku jira isbitaalka iyo nawaaxigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here