Yahuudda oo Go’adoomin Saartay Magaalada Jiniin iyo Iska Hor Imaad Xooggaan oo Halkaas Ka Socda.

26
0

Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah sii wada hawlgallada ay ka wadaan magaalada Jeniin ee waqooyiga daanta galbeed ee la ahaysto.

Ilo wareedyo Aljazeera ka tirsan ayaa sheegaya in laba qarax oo waaweyn laga maqlay xerada, waxaana ciidamada qabsaday xerada ay u direen ciidamo dheeraad ah oo gurmad ah iyo cagaf cagafyo ay ku duminayaan guryaha dadka shacbaka.

Waxa ay sidoo kale ku qasabtay boqolaal qoys oo Falastiini ah in ay ka baxaan xerada, waxaana ay ku soo rogtay muwaadiniinta nidaamyo adag oo baaritaan ah, oo ay ku jiraan in gabi ahaanba dhalinyarada ay ku khasbayeen inay dharka iska bixiyaan.

Ciidanka gumaysiga ayaa xiray 11 qof oo ay ku jiraan hooyooyinka laba qof oo ku shahiiday magaalada Jiniin, halka cagaf-cagafyada ay ciidamada Yahuuddu wataan ay  burburinayaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha caafimaadka iyagoo kusoo rogay go’doomin ay ku xaddidayaan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalada.

Ilo wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa Aljazeera u sheegay goor sii horeysay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu ay duqeeyeen guri ay ku sugnaayeen rag kamida wax iska caabinta Falastiiniyiinta oo  ku sugnaa magaalada Burqin ee galbeedka Jeniin.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Yahuuddu ay 9 jeer gantaalaha garbaha laga tuuro ku dhufteen guri ay ku sugan yihiin dagaalyahanada wax iska caabinta, kuwaas oo wali kusugan goobihii ay ku jireen ayagoo diiday inay is dhiibaan.

Shabakadda Quds News oo soo xiganeysa ilo-wareedyo gudaha ah ayaa sheegtay in ugu yaraan labo askari oo Yahuudda ah lagu dhaawacay iska horimaadka ka socda magaalada Burqin ee galbeedka Jeniin.

Warbaahinta Yahuudda ayaa tilmaamaysa in ololahan ballaaran ee ka socda Daanta Galbeed uu yahay ballan-qaadyadii uu Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu u sameeyay wasiirrada midigta-fog, si uu ugu qanciyo in aysan ka bixin dowladda uu xukumo, kuwaas oo wacad kumaray inay xilka iska casilayaan hadii aan dagaalka lasii wadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here