Wasaaradda Difaaca ee Yahuudda ayaa Jimcihii maanta sheegtay, in 890 askari oo isugu jira saraakiil ciidan, booliis iyo nabadsugid la dilay tan iyo weerarkii 7 Oktoobar, 2023, Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay, in kala bar dadkan dhintay ay da’doodu ka yar tahay 21 sano jir.
Waxaana tiradaas ku jira askar ka tirsan ciidamada Yahuudda, saraakiil booliis ah, kuwa qaabilsan Amniga Gudaha, iyo kuwa ilaalada ka haya Yahuudda lagu deegaamaynayo dhulka Falastiin.
Sidoo kale waxaa kamid ah kuwa lagu dilay Qaza. , Lubnaan, iyo daanta galbeed, Waxa ay sheegtay in dhimashada ugu badan ay ka dhacday marinka Qaza.
Dadka ku takhasusay arimaha milatariga ayaa arintaan ku tilmaamay, mid uu gumaystuhu ku hurudsiinaya shacabka Yahuudda ee quusta ka muujinaya guul-darrada maamulka Natanyaahu kasoo gaartay dagaalka duufaanta Al-aqsa.