Channel-ka 14-aad ee Sahaayinada oo soo xiganaya saraakiisha ammaanka ee Yahuudda ayaa sheegay, in Yahuudda ay isku diyaarinayso weerar cusub oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen.
Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii wacad ku maray in ay qaadi doonaan weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, kaddib markii ciidamada cirka ee Yahuudda ay duqeeyeen bartilmaameedyo istiraatiiji ah oo ku yaalla dekedda Xudeydah iyo gudaha Yemen.
Netanyahu ayaa muuqaal uu iska soo duubay ku xaqiijiyay, in weerarradan ay jawaab u yihiin weerarrada soo noqnoqda ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen bartilmaameedyada ka dhan ah shacabka Sahaayinada ee lagu deegaameeyay dhulka Falastiin.
“Waxaan tan u samaynay annagoo ka jawaabayna weerarrada Xuutiyiinta ee ay ku bar-tilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee Yahuudda, kaliya nama weeraraan, ee waxay bar-tilmaameedsanayaan adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan khataraha marinnada maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri Netanyahu Ra’isul wasaaraha Yahuudda.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Yahuudda waxa ay ka shaqeyneysaa weerar ka dhan ah Xuutiyiinta iyada oo ka wakiil ah beesha caalamka oo dhan, waana midda ay Mareykanka iyo kuwa kaleba aad ula socdaan”.