Yahuudda ayaa duqayn la beegsatay Labo goobood oo u dhexeeya Suuriya iyo Lubnaan, wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, ayaa ku warrantay, wax yar kaddib markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo dhex maray Xisbullaah iyo Yahuudda.
SANA ayaa ku warantay, in wax ay ku tilmaantay weerar gardaro ah oo ay Yahuuddu ku bartilmaameedsatay marinada Arida iyo Dabusiyah oo ah soohdinta ay Suriya la wadaagsto Lubnaan, kaddib markii weeraro noocaan oo kale ah lala beegsaday dhawr goobood oo ku yaalla aaggan hada la weeraray Labadii bilood ee la soo dhaafay.
Goor dambe oo xalay saqbarkii ahayd, talefishinka dowladda Suuriya ayaa sheegay, in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay duqeynta ay Yahuuddu la beegsatay xuduudka Dabusiyah ee dalka Lubnaan.
Duulaankan cusub ee Yahuudda ayaa dhacay saacado un kaddib markii ay diyaaradaha cadowgu weerar ku qaadeen Labo tuulo oo ku yaalla baadiyaha waqooyi iyo galbeedka Xumus, sida ay sheegeen maamulka Suuriya, kuwaas oo sheegay in ay baarayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
SANA ayaa sheegtay Isniintii, iyada oo soo xiganaysa illo militari, in Labo qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen, khasaare hanti ahna uu ka dhashay weerarka ay Yahuuddu la beegsadeen deegaanka Qusayra ee baadiyaha koonfur-galbeed ee Xumus, halka warbaahinta Yahuuddu ay sheegtay in ciidamada Cirka ay duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla dalka Suuriya ah.
Tan iyo bilowgii sanadka 2011-kii, Sahaayinada ayaa Boqolaal duqeymo cirka ah ka gaysatay dalka Suriya, kuwaas oo ay la beegsatay fariisimaha ciidamada dowladda iyo bartilmaameedyada ay dalkaas ku lee yihiin Iran iyo ururka Xisbullaah.