Yahuudda oo ka Baxday Fariisimo ay ku Lahaayeen Magaalada Quneitra ee Dalka Suuriya.

21
0

Tan iyo markii la afgambiyay madaxwaynihii hore ee dalka Suuriya, waxay ciidamada Yahuudda ah isku dayayeen inay qabsadaan deegaano badan oo ka tirsan konfur-galbeed dalka Suuriya, waxayna ku dhawaaqeen in ay in ka badan 10 fariisimood ka sameysteen aagga difaaca ka caagan.

Ciidamadan oo kasoo gudbay xuduudka ay la wadagaan Suuriya ayaa qabsaday magaalooyin ay kamid tahay Qunaytara oo dhacda koofur-galbeed dalkaas iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa ku andacooday in tallaabadan ay tahay mid ku-meel-gaar ah oo difaac ah, isaga oo ujeedkiisu yahay in la xakameeyo khataraha dalkiisa uga imaanaysa dalka Suuriya.

Qaar ka mid ah tuulooyinka Quneitra, ayay askarta Yahuudda kula kulmeen dibadbaxyo waawayn oo loogasoo hor jeedo, sida ka dhacday tuulada “Suwaya”, halkaas oo ay askarta Yahuuddu rasaas nool si toos ah ula dhaceen dibadbaxayaasha ayna ku dhaawacmeen 7 qof oo rayid ah.

Hoggaanka cusub ee siyaasadda Suuriya ayaa dhawaan xiriir la sameeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalalka Carabta iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si ay ugu qasbaan ciidamada Yahuudda inay ka baxaan goobihii ay dhawaan xoogga ku qabsadeen ee ka tirsanaa koonfurta Suuriya. Taas oo ugu dambayntii keentay inay maanta iskaga baxaan dhulkii ay horay u qabsadeen ayagoo dulaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here