Yahuudda oo kordhisay Weerarada ay ku Hayaan Deegaanada ka Tirsan Dhulka Daanta Galbeed Iyadoona Barakicisay kumanaan Qoys.

27
0

Isku dhacyo khasaare dhaliyay ayaa wali ka dhex socda kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta iyo ciidamada guumaysiga Yahuudda ee ku sugan xerada Tulkarm kaddib markii ay guumaystuhu balaariyeen hawlgalkooda millatari ee waqooyiga daanta galbeed, halka ciidamada guumaysiga ay ku khasbeen kumanaan qoys in ay ka qaxaan guryahooda oo ku yaallay magalada  Jenin iyo Tulkarm.

Maamulka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay shalay oo Isniin ahayd, in ciidamada Yahuuddu ay balaariyeen howlgalkooda milateri ee ay ku hayaan  magaalada Jenin oo ku taalla waqooyiga Daanta galbeed, weraradan ayay Yahuuddu bilabeen 8 maalmood kahor, iyagoo duqaymo xaga cirka ah ka fuliyay magaalada Tulkarm iyo nawaxigeeda.

Ilo wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa Aljazeera u sheegay in dagaalyahanada wax iska caabinta ay la beegsadeen walxaha qarxa intii ay ku guda jireen duulaanka joogtada ah ee ay ku hayaan magaalada Tulkarm, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dhanka koontaroolka ciidamada ee “Tsnaoz” ee ku yaalla galbeedka Tulkarm.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Yahuuddu ay gurmadyo militari oo dheeri ah u dirayaan xerada Tulkarm ee waqooyiga daanta galbeed, ayagoo halkaas ka gaysanaya weeraro laayaan ah oo lagu bara kicinayo dadka shacabka ah ee Falstiiniyiinta.

Guutooyinka Al-Qassam, Al-Qudus iyo guutada Shuhadada Al-Aqsa ayaa bayaanno kala duwan ku sheegay, in dagaalyahannadoodu ay dagaal adag kala hortageen ciidamada gumaystaha kadib markii ay soo galeen xerada Tulkarm subaxnimadii Isniinta.

Ilaha warbaahinta ee Falastiiniyiinta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada gumeysiga Yahuuddu ay ku qasbeen tobanaan qoys in ay ka guuraan guryahooda intii ay ku guda jireen duulaanka ay ku qaadeen xerada Tulkarm ee waqooyiga daanta galbeed.

Warbaahinta Falastiin ayaa sidoo kale daabacday muuqaalo muujinaya cagaf-cagafyada Yahuudda oo burburinaya waddooyin iyo guryo ku yaalla xaafadda Balawneh ee xerada Tulkarm.

Dhanka kale, ciidamada gumeysiga Yahuudda ayaa askar badan ku xoojiyay ciidamadooda ku sugan xerada Jenin. Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in gaadiid dagaal oo ay la socdeen cagaf-cagafyo waaweyn ay xerada ka soo galeen koontaroolka Jalam ee dhanka waqooyi ee magaalada, waxaana la soo dhoobay wadooyinka xerada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka qabsaday xerada ay dhan walba ka hareereeyeen, waxaana mararka qaar goobta laga maqlayaa dhawaqa qaraxyo iyo iska hor imaadyo hubeysan, halka diyaaradaha aan duuliyaha lahayna  ay dusha sare ka taageerayaan ciidamada Yahuudda ee lugta ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gumaysigu ay maalintii 8-aad oo xiriir ah gudaha xerada Jenin ka wadaan howlgallo balaaran, iyagoo burburinaya dhismayaasha la dagan yahay, waxayna sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan guryaha ku yaalla xeradaasi, kadib markii ay kumanaan Falastiiniyiin ah ku qasbeen in ay isaga cararaan xeradaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here