Yahuudda oo ku Dhawaaqday inay Duqeysay Qalab Malatari oo uu lahaa Nidaamkii Hore ee Suuriya.

19
0

Yahuudda ayaa ku dhawaaqday, in ay duqeysay qalabkii dagaal ee maamulkii hore ee Suuriya oo yaallay deegaanka Sacsa ee koonfurta Suuriya, halka idaacadda ciidamada Yahuudda ay sheegtay, in la beegsaday 3 taangi.

“Waqti yar ka hor, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee IAF ayaa weerar ku qaaday hub uu lahaa taliskii hore ee Suuriya oo yaalay deegaanka Sacsa,” ayay milatariga Sahaayinada ku sheegeen hadal ay soo saareen goor dambe oo Talaadadii ah.

Ciidamada Yahuudda ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya duqeynta, iyagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan ka shaqeynta sidii meesha looga saari lahaa khatar kasta oo soo wajahda Yahuudda, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Bayaanka laguma sheegin nooca bartilmaameedyada la duqeeyay, balse Raadiyaha ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeeyeen 3 taangi oo ku dhawaad ​​20 KM u jira goobaha ay ciidamadooda xoogga ku haystaan.

Idaacadda oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegtay, in Taangiyadaasi ay ku jiraan hub, isla markaana aysan gaarin gacanta Maamulka cusub ee Suuriya, waa sida ay ku andacoodeena, iyadoo weeraradaasi ay ku guuleysteen inay ka hortagaan inay gaaraan gacanta maamulka.

8-dii Febraayo, ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in diyaaradahooda ay duqeeyeen waxa ay ku sheegeen inuu ahaa bakhaar hub ah oo ay leeyihiin dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ee deegaanka Deir Cali ee koonfurta Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here