Yahuudda oo Ku Hanjabtay, inay Markala Weerar ku Qaadi Doonta Dowladda Iiraan.

8
0

Wasiirka difaaca ee Yahuudda ninka lagu magacaabo Yasraa’iil Kaatsi ayaa ku goodiay, inay markala xamlo ku qaadi doonaan dowladda Shiicada ee Iiraan, haddii ay dib u hawlgaliso xarumaheeda Nukliyeerka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayuu wasiirka Yahuuddu ku nuux nuuxsaday, baahida ay u qabaan inay mustaqbalka sameeyaan qorshe wax ku ool ah, kaas oo ay ku xaqiijinayaan, in Iiraan aysan dib u bilaabin barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Hadalka wasiirka difaaca ee Yahuudda ayaa imaanaya, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu Isniintii lasoo dhaafay ku hanjabay, in dalkiisu uu mar kale weerari doono xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan haddii loo baahdo.

Hanjabaadahan ayaa cadaynaya, in Mareykanka iyo Yahuudda aysan wax guul ah ka gaarin duulaankii ay dhawaan ku qaadeen dowladda Iiraan gaar ahaan xarumaheeda Nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here