Yahuudda oo Laba Jibbaartay Duqeynta Arxan Darada ah, ee ay ka wado magaalada Qazza ee dhulka Falastiin.

17
0

Ciidamada Yahuuddda ayaa subaxnimadii Saaakay oo Khamiis ah iyo xalay duqeymo xooggan ku qaaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gazza, iyadoo dagaallo ay ka dhaceen waqooyiga Marinka Qazza.

Duqeymahan ayaa isugu jiray duqeymo dhanka cirka ah, madaafiic iyo rasaas ay ridayeen doonyo, saacado kadib markii laba xasuuq oo ciidamada gumeysiga ay ka geysteen deegaanka Mawaasi Khan Yunis iyo deegaanka Al-Nafaq ee bartamaha magaalada Gazza.

Ilo wareedyo Falastiini ah ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalkaYahuudda ay maanta barqadii weerar ku qaadeen waqooyiga marinka Qazza.

Dhanka kale, baabuur Ay Leeyihiin Yahuudda ayaa rasaas ku furay xerada Jabaliya, halka madaafiicda ay ku garaaceen magaalada Beyti Lahiya.

Duqeymaha ka dhaca waqooyiga Marinka Gazza ayaa ah kuwo soo noqnoqda,halka ciidamada Yahuudda ay sii wadaan muddo labo bilood ah howlgal militari oo aad u ballaaran kaas oo sababay dhimashada in ka badan 3,000 oo falastiiniyiin ah iyo dhaawaca iyo barakaca kumanaan kale.

Dhaq dhaqaaqayaasha falastiiniyiinta ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaal laga soo duubay dad barakacayaal ah oo ay ku dhaawacmeen rasaasta ciidamada guumaysiga Yahuudda, xilli lagu qasbay in ay ka baxaan waqooyiga Marinka Qaza kuna sii jeedeen magaalada Gazza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here