Warbaahinta taageerta Xamaas ayaa ku warantay subaxnimadii hore ee maanta, in afhayeenkii dhaqdhaqaaqa Xamaas, Abdel Latif al-Qanuuc, lagu dilay duqeyn ay Yahuuddu ka geysatay waqooyiga Qaza, taasoo ka dhigaysa inay Yahuuddu dishay Saddax hogaamiyo oo ka dhex muuqday Xarakada Xamaas tan iyo markii ay dib u billowday howlgalladeeda cusub ee ka dhanka ah Marinka Qaza.
Wakaalladda Wararka ee Shehab ee taabacsan Xarakada Xamaas ayaa ku warantay, in al- Qanuuc, lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha gumaystaha Yahuudda la beegsadeen teendhadiisii oo ku taalla magaalada Jabalia, ee waqooyiga Gaza.
Wakaaladda ayaa intaa ku dartay, in duqeymo kale oo ay Yahuuddu fulisay saaka ay la beegsatay guri ku yaalla magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof.
Horraantii toddobaadkan, ayay ahayd markii Yahuuddu ay dishay labo hoggaamiyeyaal oo caan ahaa, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray: Ismail Barhuum iyo Salah al-Bardawil, Labadan hogaamiya ayaa ka tirsanaa 20-ka xubnood ee uu ka kooban yahay xafiiska siyaasadda ee Xamaas, 11 ka mid xubnahaas ayaana la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday dabayaaqadii 2023-kii, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Xamaas.