Wasiirka Difaaca Yahuudda ninka lagau magacaabo Yisrael Katz ayaa faray ciidamada Yahuudda, inay ka hortagaan dabaaldegyada Falastiiniyiinta iyo isu soo baxyada ballaaran ee lagu xusayo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta, taasoo qeyb ka ah heshiiska isdhaafsiga ah ee lala galay dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas.
Awaamiirtan ayaa timid dhowr maalmood kadib markii booliska Sahaayinada ay weerareen guryaha qoysaska maxaabiista ee ku yaalla magaalada barakaysan ee Qudus si ay uga hortagaan in ay u dabaaldegaan sii deynta eheladooda.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Israel Hayom” iyo website-ka Cibraaniga ah ee “Walla”, Katz wuxuu ku amray taliyaha guud ee ciidamada Yahuudda, Herzi Halevi, inuu qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago soo noqnoqoshada dabaaldegyada iyo isu soo baxa dadweynaha ee ku socdaalaya Daanta Galbeed ee la haysto si ay uga qayb galaan munaasabada sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta. Ciidanka ayaa sidoo kale dalbaday in la bartilmaansado qof kasta oo Falastiini ah oo hubaysan oo ka qaybqaadanaya dabaaldegyadaas farxadeed.
Boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku nool magaalada Beytunia ee ku taalla bartamaha Daanta Galbeed ayaa u dabaaldegay siideynta tobonaan maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Sahaayinada, taasoo qeyb ka ah wejiga koowaad ee heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya Xamaas iyo Yahuudda.
Dabaaldegayaasha ayaa isugu soo baxay basaska hortooda oo ay saarnaayeen maxaabiis ka timid xabsiga Ofer ee Yahuudda, waxa ayna ku qeylinayeen areyo ay ku muujinayaan farxadda sii deynta maxaabiista.
Magaalada Tubas oo dhanka waqooyi kaga beegan Daanta Galbeed ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay dabaaldegyo farxadeed oo ay ka qeyb galayaashu kor u qaadeen calanka Falastiin iyo calamada Xamaas.
Heshiiska xabbad joojinta ayaa dhaqan galay maalintii Axadda, waxaana loo qorsheeyay in wejiga koowaad uu socdo muddo 42 maalmood ah, iyadoo inta lagu jiro muddadaas laga wadahadli doono wejiyada labaad iyo saddexaad.