Yahuudda oo qiratay In Dagaalyahannada Falastiin Qazza Oga Dileen Saraakiil iyo Askar Katirsan Ciidankooda.

12
0

Shalay oo isniin ahayd, guumaysiga Yahuudda waxay qiratay in lagu dilay sarkaal iyo laba askari, laba kalena lagaga dhaawacay dagaallo ay la galeen iska-caabbinta marinka Qazza.

Afhayeen u hadlay ciidamada Yahuudda ayaa fiidnimadii shalay ku dhawaaqay in sarkaal iyo askari lagu dilay laba kalena si xun loogu dhaawacay dagaallo ka dhacay waqooyiga marinka Qazza.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in dilka sarkaalka iyo askariga ka tirsan guutada Nahal ay sabab u tahay gantaalka lidka taangiyada oo lagu riday deegaanka Beyt Xanuun ee waqooyiga marinka Qazza.

Horaantii Isniintii, Golaha Deegaanka ee Binyamin ayaa ku dhawaaqay in la dilay askari Yahuudi ah oo ka soo jeeda deegaanka Ceeli oo ka dhacay dagaallo ka dhacay Marinka Gazza, sida uu sheegay Channel 12 ee ay Yahuuddu ay Leedahay.

Kanaalka ayaa sheegay in deegaanka Ceel – oo ku yaala bartamaha daanta galbeed – ay ku dhinteen 10 askari oo ka tirsan dadka deegaanka tan iyo bilowgii dagaalka Yahuuddu Kusoo Qaaday  ee Gazza.

Warbaahinta Yahuudda ayaa ku warantay in tirada xubnaha ciidanka gumaysiga lagaga dilay tan iyo bilawgii dagaalka 7-dii October 2023 ay gaadhayso 826 isugu jira saraakiil iyo askar, halka kumannaan askar ah ay ku dhaawacmeen oo ay soo gaadheen naafo jireed iyo Mid  maskaxeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here