Shalay isniintii, ciidamada Yahuudda ayaa la kulmay khasaare xooggan, kaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen askar iyo sarakiil ka tirsan ciidamada Yahuudd, weeraradan oo cuslaa ayay kooxaha muqaawamada Falastiiniyiintu ka fuliyeen magaalooyinka Beit Hanoun iyo Rafah.
Ciidamada Yahuudda ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegtay, in laga dilay sarkaal sare iyo 4 askari, halka 8 kalana laga dhaawacay, intii lagu guda jiray dagaallo ka dhacay magaalada Beit Hanoun ee ku taalla waqooyiga marinka Qaza.
Ku dhawaaqista rasmiga ah ayaa timid kaddib markii ilo-wareedyo warbaahinta Yahuudd ah ay sheegeen in 5 askari lagu dilay 11 kalena la dhaawacay kaddib markii la beegsaday ciidan milatari oo ku suganaa waqooyiga Marinka Qaza.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo Yahuudd ah, askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka tirsanaa guutada Nahal, iyagoo loosoo daad gureeyay magaalada Tel Aviv. Shabakadda wararka ee Sahaayinada ayaa hawlgalkan cusub ku tilmaamay dhacdo xanuun badan oo ka adag tii ka horreysay.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, hawlgallada iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa kusoo badanayay magaalada Beit Hanoun, halkaas oo ugu yaraan 10 askari oo Yahuudd ah lagu dilay 72-dii saacadood ee lasoo dhaafay.