Yahuudda oo Qiratay in Sarkaal Sare Looga Dilay Marinka Qaza iyo Muqaawamada oo Beegsatay Taangi Merkava ah.

4
0

Idaacadda ciidamada Yahuudda oo soo xiganaysa ilo militari ayaa xaqiijisay in sarkaal darajadiisu ahayd jeneral lagu dilay marinka Qaza. Ilahan ayaa sharaxay in sarkaalkaas la dilay, kaddib markii la toogtay maanta oo Khamiis ah, dilkan ayaana ka dacay deegaanka Netzarim ee bartamaha marinka Qaza.

Guutada Al-Qassam  garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas  ayaa ku dhawaaqay, maanta oo Khamiis ah in ay beegsadeen taangi Merkava ah oo ay la socdeen ciidamo Yahuudd ah, kuwaas oo ku sugnaa  xaafadda Zaytuun ee magaalada Qaza.

Ciidamada Yahuudda ah ee duulaanka cadawtooyo ku qaaday marinka Qaza ayaa lakulmaya dhiigbax joogto ah, kuwaas oo ku dhamanaya dagaalka ay kaga jiraan jiida Qaza, waxayna kooxaha Muqawamada Falastiiniyiintu soo bandhigeen muuqaallo muujinaya dhiig baxa ku socda ciidamadan Sahaayinada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here