Ciidamada Yahuudda ayaa xaqiijiyay manta, in hal askari looga dilay dagaalo ka dhacay koonfurta Lubnaan, kaddib markii ay habeenimadii xalay ay ciidamada Sahaayinadu weerarro ku qaadeen goobo kala duwan oo ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Beirut.
Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay in askariga dhimashadiisa lagu dhawaaqay maanta oo Khamiis ah, lagu dilay gantaallo ay Xisbullaah shalay ku garaacday saldhiga Avivim ee ka tirsan gobolka Galiile.
Dhanka kale, Shalay Arbacadii Xisbullaah waxay ku dhawaaqday, inay 25 gantaal ku garaacday hal daqiiqo gudaheed gobolada Galiile iyo Haifa Bay, kuwaas oo gaystay khasaare xooggan oo soo gaaray ciidamada gumaystaha Yahuudda.