Yahuudda oo sheegatay inay dishay Mas’uuliyiin katirsan Ururka Xisbullaah.

29
0

Ciidamada Yahuudda ayaa manta ku dhawaaqay inay duqeeyeen “xaruntii sirdoonka maleeshiyaadka  Xisbullaah ee magalaada Bairut,  iyo goobo kale oo lagu kaydiyo hubka, kuwaas oo kuyaalay dhulka hoostiisa.

Af-hayeenka ciidamada Yahuudda ninka lagu magacaabo Avichay Adraee, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in weerar  ciidamadiisu fuliyeen ay ku dileen Sadex hogaamiye oo can kadhex ahaa  ururka Xisbullaah.

Xubnaha la bartilmaameedsaday ee Xisbullaah, waxaa ka mid ahaa Cabaas Salama oo ahaa hogaamiyihii dhanka koonfureed gaar ahaan Bint Jbeyil,  Rooda Cabbaas Cawada oo lagu tiriyo in ay khabiir ku ahayd  Isgaarsiinta Wireless-ka, iyo Axmed Cali Xuseen, oo mas’uul ka ahaa hubeynta howlgallada ururka.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka balaaran ee ay Yahuuddu kusoo qaadeen konfurta Lubnaan, waxaa isasoo tarayay dilka horjoogayaashii ugu sareeyay ee ururkan shiiciga ah. Waxaa la rumaysan yahay in ay ka danbeeyaan jawasiis ay Yahuuddu horay ugu beerteen shiicada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here