Yahuudda oo Sheegatay Inay Duqayn ku Dishay Xubno ka Tirsan Ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah.

2
0

Diyaaradaha Yahuudda ayaa duqayn cusub galinkii dambe ee maanta ka fuliyay dalka Lubnaan gaar ahaan isgoyska Samkhiya ee magaalada Aytaarun, duqayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen xubno ka tirsan ururka shiiciga ee la magic baxay Xisbullaah.

Wakaaladda wararka ee dalkaas oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay, in duqayntu ay sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale, kaas oo la dhigay mid kamida xarumaha caafimaadka ee magaaladaas.

Dhanka kale, raadiyaha ciidamada Yahuudda oo isna ka hadlay hawlgalkan ayaa sheegay, in duqaynta lagu dilay  xubno ka tirsan Xisbullaah kuwaas oo marayay magaalada Aytaarun ee dhacda koonfurta Lubnaan.

Yahuudda ayaa wali dhankeeda wada duqaymaha ay ku burburinayso kaabayaasha kooxdan shiicada ah, iyadoo duqayntan ay kusoo beegantay xili xoogagga kooxdaas lagala wareegay deegaano ay horay u maamulayeen, waxaana haatan deeganadaas gacanta ku haya ciidamada Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here