Hay’adda Warbaahinta Yahuudda ayaa Talaadadii maanta sheegtay, in heshiis buuxa laga gaaray habka iyo waqtiga laga jawaabi lahaa weerarkii Iran, kadib markay sameeyeen wadatashiyo dhanka ammaanka ah, Hay’adda ayaa intaa ku dartay in qorshaha lagu weerarayo Iran uu yahay mid laga sugayo ansixintiisa golaha wasiirrada si loo dhaqangeliyo.
Dhanka kale, wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, in go’aanka lagu weeraraya Iran ay qaadan doonaan Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, Wasiirkiisa Difaaca Yoav Galant, iyo Madaxa Shaqaalaha Herzi Halevy. Golaha Wasiirada ayaana dib u eegis ku sameyn doona go’aankaas.
Arrintan ayaa ku soo beegantay, iyadoo la filayo in Yahuudda ay dhawaan qaaddo weerar ay kaga jawaabayso weerarkii gantaallada ahaa ee ay Iran ku qaadday bilawgii bishan Oktoobar.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay Isniintii shalay, in Ra’iisul Wasaaraha Sahaayinada Benjamin Netanyahu, uu kulan qarsoodi ah fiidnimadii Axadda la qaatay taliyeyaasha ciidamada, iyo kuwa sirdoonka oo ay ka wadahadleen qorshaha weerar lagu qaadayo Iran, Wargeyska ayaa xaqiijiyay in kulanka qarsoodiga ah uu Netanyahu kusoo daray, Wasiirkiisa Difaaca Yoav Gallant iyo Madaxa Shaqaalaha Herzi Halevy, waxaana lagu qabtay xarun sirdoon.
Iiraan ayaa ku dhawaad 200 oo gantaalaha balaastikada ah ku garaacday Yahuudda bilawgii bishan Oktoobar, waxayna sheegtay in ay uga aargoosanayso dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay Tehran dhammaadkii bishii Luulyo ee la soo dhaafay, iyo sidoo kale dilkii Hogaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan, Xasan Nasrallah, oo uu weheliyo jeneraal ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran, kuwaas oo lagu dilay weerar ay Yahuudda ku qaadday duleedka koonfureed ee magaalada Beirut.