Maanta oo Khamiis ah, Wasaaradda Difaaca Yahuudda ayaa ku dhawaaqday, inay heshiis la saxeexatay shirkadd laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Boeing, ayadoo ka iibsanaysa 25 diyaaradood oo ah nooca F-15, taas oo qayb ka ah heshiis ku kacaya illaa 5.2 Billyan oo Dollar.
Heshiiskan ayaa imaanaya ayadoo maamulka Yahuudda dhawaan lagu wareejiyay hub casri ah, oo uu ansixiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Aqalka Congress-ka horaantii sanadkan 2024.
Washington ayaa ogolaatay heshiis ay Yahuudda kaga iibinayso hub casri ah bishii Agoosto ee la soo dhaafay, kaas oo ay ku jiraan diyaarado iyo qalab milatari. Falanqeyn lagu sameeyay kaalmada Milatari ee uu Maraykanku ugu deeqay Yahuudda tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023-kii ayaa lagu qiyaasay aduun lacageed oo dhan 22 Bilyan oo Dollar.