Yahuudda oo Xadgudubyo ka Geysanaysa Daanta Galbeed.

21
0

Wararka laga helayo warbaahinta ayaa sheegaya, in iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada wax iska caabinta iyo ciidamada gumeysiga uu ka dhacay magaalada Tamuun ee koonfurta Tubas, dagaalkan oo qeyb ka ah howlgalka ay Sahaayinada uga magac dareen darbiga birta ah kaas oo socda maalintiisa 14-aad, Arintaan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii guud ahaan xaafad kamid ah xerada Jenin la qarxiyay.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidamada gumeysiga ay saacadihii lasoo dhaafay howlgalo dad lagu soo qab qabtay ay ka sameeyeen magaalada Tamuun.

Dhankooda, guutada Al-Aqsa ayaa ku dhawaaqay, in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga oo ku sugnaa xerada Farca ee Tubaas, iyagoo gumaystaha la beegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kadibna waxay oodda uga qaadeen rasaasta, iyadoo la xaqiijiyey inay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Yahuudda.

Magaalada Jenin, ciidamada gumeysiga Yahuudda ayaa shalay oo Axad ahayd waxa ay qarxiyeen 4 xaafadood oo ka tirsan xerada Jenin, waxayna sidoo kale qarxiyeen dhismayaal ku yaallay xaafadda Al-Damj, Al-Hawashin, aagga Mahyoub Street iyo agagaarka Masjidka Al-Casiir, arintaan ayaa timid iyada oo Yahuudda ay ku dhawaaqday ballaarinta hawlgalladeeda milatari ee ka dhanka ah waqooyiga daanta galbeed.

Ilo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidamada gumaystaha ay xerada la soo galeen shixnado badan oo walxaha qarxa ah si ay ugu qarxiyaan guryaha, kadib markii ay ku qasbeen dadkii deganaa in ay ka qaxaan maalmihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, guddoomiyaha magaalada, Kamaal Abu al-Rab, ayaa wakaaladda Anadolu u sheegay, in duqeymihii Yahuudda ee shalay ka dhacay xerada Jenin ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah tan iyo sannadkii 2002-dii, xilligaas oo la burburiyay xaafado ka tirsan xeradaas.

Ciidamada gumeysiga ayaa sidoo kale ku hanjabay, in ay duqeyn doonaan dhismo ay degan yihiin shacabka oo ku yaalla magaalada Jenin, saacado kadib markii ay duqeeyeen 21 guri oo ku yaallay xerada Jenin.

Wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay, in ciidamada guumaysiga Yahuudda ay shalay oo Axad ahayd ku wargaliyeen qoyska Qusay Al-Saadi in la duqeyn rabo gurigiisa oo ku yaalla xaafadda bari ee magaalada Jenin.

Waxa ay intaa ku dartay, in Ciidamada Gumaysiga ay ku wargeliyeen Qusay Aabihii in ay doonayaan in ay Bam ku garaacaan Guriga ay ka degan yihiin Xaafadaha Bari ee Magaalada gurigaas oo ka kooban Saddex Dabaq, hadii aanu soo wareejin Wiilkiisa Qusay, iyaga oo ku marmarsiyoonaya in laga rabo wilkiisa dhanka gumaystaha.

Dhankeeda, Guutada Al-Qudus ayaa xaqiijisay in dagaalyahanadooda ku sugan shirkadda Al-Sila Al-xarithiya ay qarxiyeen gaari ay wateen ciidamada Yahuudda oo gudaha u galay magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here