Yahuudda oo Xalay Duqaymo ka Fulisay Bartamaha Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed.

25
0

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Kooxaha wax iska caabintu ay isku dhacyo hubeysan la galeen ciidamada Yahuudda waaberigii hore ee maanta oo Arbaco ah, iyadoo ciidamada Yahuuddu ay ku sugan yihiin xaafaddaha bari ee magaalada Jenin oo ku taalla waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah fiidnimadii talaadada bartamaha magaalada Jenin ayaa lagu qaaday duqaymo xagga cirka ah oo ay ciidamada Yahuuddu fuliyeen.

Wakaaladda wararka ee Wafa ayaa sheegtay, in Diyaaradaha guumaysiga Yahuuddu ay duqeeyeen, fiidnimadii Talaadada agagaarka Shineemo Roundbout kaas oo ku yaalla bartamaha magaalada Jenin.

Waxay sidoo kale wakaaladu sheegtay, in ciidamada Yahuuddu ay xoog ku galeen agagaarka goobta la duqeeyey, waxayna diideen baabuurta ambalaasta inay goobta gaaraan, si aysan dadka dhaawaca ah loogu gudbin xarumaha Caafimaadka.

Dhanka kale, hay’ada Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in labo qof oo Falastiiniyiin ah ay dhaawacmeen kaddib markii ciidamada gumeysigu ay weerareen kontoroolka Jalameh ee waqooyiga magaalada Jenin.

21-kii bishan Janaayo, ciidamada Yahuuddu waxay duullaan ballaaran ku qaadeen dhulka la haysto ee Daanta galbeed, gaar ahaan magaalada Jenin iyo hareeraheeeda, taas oo keentay in ay ku shahiidaan 16 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ku dhawaad ​​50 kalena ay ku dhaawacmaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here