Yahuudda oo Xasuuq ka Geysatay Magaalada Beit Lahia ee Marinka Gaza.

11
0

Subaxnimadii Arbacada ayay ciidamada Yahuudda xasuuq hor leh u geysteen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Beit Lahia, waxayna bartilmaansadeen dad barakacayaal ah oo ku nool Deir al-Balah iyo Khan Yuunis.

Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay, in 8 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeyn ay Yahuudda la beegsatay guri ku yaalla Beit Lahia ee Waqooyiga Marinka Gaza.

Ilo wareedyo falastiiniyiin ah ayaa sheegay, in diyaaradaha dagaalka ee Sahaayinada ay billaabeen duullaan ka hor waaberigii maanta oo ay la beegsadeen guryo dhowr ah oo ku yaalla agagaarka isbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit Lahia.

Sida uu sheegay TV-ga Al-Aqsa, diyaarad aan duuliye lahayn oo Yahuuddu leedahay ayaa beegsatay shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka, xilli ay isku dayayeen inay soo saaraan dadka dhaawaca ah, kaddib markii la duqeeyay guryo ku hareeraysan xaruntaas, waxaana diyaaradda Sahaayinadau ay ku tuurtay fuusto walxaha qarxa ah meel u dhow isbitaalka.

Muddo toddobaadyo ah, isbitaalka iyo nawaaxigiisa ayay diyaaradaha cadawga si toos ah u beegsanayeen, taasoo keentay dhimashada bukaannada ku jiray isbitaalka iyo dhaawaca shaqaalaha difaaca madaniga ah.

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, Beit Lahia waxaa ka dhacay xasuuq ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay barbar socoto barakaca Kumannaan qof oo degganaa magaalada Gaza. Tan iyo 5-tii Oktoobar, ciidamada Yahuudda ayaa howlgal ballaaran oo militari ka waday waqooyiga Marinka Gaza, gaar ahaan xeryaha Jabalia iyo Beit Lahia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here