Channel-ka 12-aad ee Yahuudda ayaa sheegay in ciidanku ay soo gabagabeeyeen diyaar garowgii ay ugu jireen weerar ka dhan ah Iran, halka wasiirka gaashaandhiga Yoav Galant uu sheegay in Washington ay ku qasban tahay inay garab istaagto Yahuudda ka dib weerarka.
Channel-ka 12-aad ee Yahuudda ayaa sheegay in Netanyahu “uu qabanayo kulan uu caawa uga hadlayo jawaab celinta Iran.
Waxay intaas ku dartay in ciidamada Yahuudda ay sare u qaadeen xaaladda feejignaanta ee nidaamka difaaca hawada.
Iran ayaa horraantii bishii Oktoobar weerar gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadday saldhigyada ciidammada Yahuudda, taasoo jawaab u ahayd dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee Tehran lagu dilay dabayaaqadii bishii Luulyo iyo dilkii xoghayihii guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah oo Yahuudda ay weerar ku qaadday xaafadda Beyruut ee koonfurta Suuriya. 27-kii Sebtembar ee la soo dhaafay.
Wasiirka difaaca Yahuuda ayaa sheegay in Washington ay ku qasban tahay in ay garab istaagto Yahuudda ka dib markii ay weerartay Iran.