Ciidanka Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday tirada guud ee askarta looga laayay duulanka gardarrada ah ee ay kusoo qaadeen Waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo ay qayb ka ahayd ku dhawaaqistaas, in hal askari looga dilay mid kalana uu si xun uga dhaawacmay iska horimaadyo ka dhacay Waqooyiga Gaza.
Raadiyaha ciidamada Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday shalay oo Axad ahayd, in 40 askari Sahaayinada laga dilay tan iyo markii uu billowday howlgalka milatari ee ka socda Waqooyiga Marinka Gaza, bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
War uu Raadiyaha ku daabacay barta “X” ayaa lagu yiri “40 askari, oo isugu jira saraakiil iyo askar, ayaa la dilay tan iyo markii uu billowday howlgallada militari ee ka dhanka ah xerada Jabalia iyo Waqooyiga Marinka Gaza, kaas oo bilawday bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.”
Ciidamada Yahuudda oo caan ku ah qarinta xogta rasmiga ah ayaa sheegay, in tirada dadka dhintay tan iyo bilowgii dagaalka lagu xasuuqayay reer Gaza, October 7, 2023-ka, ay gaarayso 824 dhimasho ah, oo ay ku jiraan kuwa lagu dilay Gaza, Daanta Galbeed, Lubnaan, iyo gudaha dhulka ay gumaystaan.
Isla muddadaas, 5,541 askari ayaa la dhaawacay, sida lagu sheegay xogta ciidanka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qariyeen khasaare badan oo ka dhashay weerada ay geysanayeen muqaawamada Falastiin, Xisbullaah iyo Xuutiyiinta Yemen.
5-tii Oktoobar, ciidamada Sahaayinada waxay weerareen Waqooyiga Marinka Gaza, iyagoo ku marmarsiyoonaya, inay ka hortagayaan Xamaas inay dib u soo ceshato awooddeeda gobalka, balse waxa ay duulaankaas kala kulmayaan dhiig bax joogta ah, iyagoo aan gaarin hadafkii ay naawilayeen, marka laga soo taga inay xasuuq kula kacayaan dadka abriyada ah ee ku noo Marinka.