Yahuuddu Awood Ma U leedahay Burburinta Xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee ku Yaalla Dhulka Hoostiisa? {Warbixin}

18
0

Waxaa isa soo taraysa su’aalaha ku saabsan awoodda dhabta ah ee ay Yahuuddu u leedahay inay si buuxda u burburiso xarumaha ku yaalla dhulka hoostiisa ee lagu farsameeyo Yuraaniyamka Nulkiyeer ee Iiraan, iyadoo Yahuuddu ay hawlgallo militari oo waaweyn ay la beegsatay gudaha dalkaas saaka oo Jimce ah.

Sida uu sheegay khabiirka milateri ee Carbeed, Janaraal Faa’iz al-Duweyri oo la hadlay Warbaahinta, xarumaha ugu muhiimsan ee Nukliyeerka Iiraan – sida kuwa ku yaalla Natanz, Fordow iyo Arak – ayaa ku yaalla godad dhagaxyo buureed ah oo aad u hooseeya, taasoo adkeynaysa in lagu beegsado duqeymo caadi ah. Waxa uu caddeeyay in kaliya hal nooc oo bam ah, oo ah “GBU-57”, ay awood u leeyihiin in ay gaaraan xarumahaasi, balse bamkaas culus oo miisaankiisu ka badan yahay 12 tan, aysan u suuroobayn Yahuudda inay qaadaan diyaaradooda dagaalka.

Janaraalkan ayaa intaas ku daray in diyaaradaha keliya ee qaadi kara bamkaasi ay yihiin kuwa Maraykanku leeyahay sida B-2 Spirit. Tani waxay meesha ka saaraysaa in Yahuuddu kaligeed awood u leedahay in ay si toos ah u burburiso xarumahaas muhiimka ah. Wuxuu sidoo kale xusay in GBU-57 ay awood u leedahay inay dhex marto illaa 60 mitir oo shub ah, taasoo ah mid muhiim u ah burburinta xarumo aad u adag oo si qoto dheer loo dhisay.

Dhanka kale, Yahuudda ayaa sheegtay in ay fulisay weerarro ballaaran oo ay ku bartilmaameedsatay xarumo ay ku jiraan kuwa Nukliyeer, saynisyahanno iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan. Maamulka Yahuudda ayaa ku tilmaamay hawlgalkan mid muhiim u ah “joojinta halista Nukliyeer ee Iiraan”, iyadoo lagu waramay in ku dhawaad 200 oo diyaaradood ay ka qeyb qaateen weerarka, islamarkaana la isticmaalay oo 300 bam oo lagu garaacay ku dhawaad 100 bartilmaameed gudaha Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa sheegtay inaysan jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in xarumaha sida Fordow ama Bushehr ay si toos ah u saameeyeen duqeymaha. Waxay sidoo kale sheegtay in aysan la socon wax kordhin ah oo ku yimid heerarka shucaaca ee xarunta Natanz – taas oo ay Yahuuddu ku andacootay inay burburisay.

Ugu dambeyntii, khubarada iyo warbaahinada caalamka ayaa si taxaddar leh ula socda dhacdooyinkan, iyadoo la la cadeeyay in Mareykanka uu si dadban ugu lug leeyahay ,  taageero dhanka sahayda hawada ah iyo xogaha sirdoon ee ay helayaan Yahuuddu, balse uusan wali si toos ah ugu dhawaaqin inuu qayb ka yahay. Tani waxay iftiiminaysaa in weerarka Yahuudda uu yahay mid halis ku haya gobolka, balse aan weli caddayn in uu si buuxa u burburin karo awoodda Nukliyeer ee Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here