Nahum Goldman, oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii hore ee Ururka Sahyuuniyadda Adduunka, ayaa ka warramay kulan uu la yeeshay David Ben-Gurion, Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Yahuudda, Sanadkii 1956-dii. Ra’iisul Wasaarihu wuxuu yiri “Waxaan ku sii dhowaanayaa toddobaatan jir, haddii aad i weyddiiso in la igu aasi doono dalka Israa’iil iyo in kale, waxaan oran lahaa, HAA, waayo toban ama labaatan sannadood ayay dawlad Yuhuudu leedahay sii jiri doontaa, laakiin haddii aad i waydiiso in wiilkayga Amos uu nasiib u yeelan doono in lagu aaso dhulkan marka uu dhinto, waxaan kuugu jawaabi lahaa waa boqolkiiba 50%”.
Hadalkani waxaa uu iftiiminayaa qalalaasaha qotoda dheer ee ka dhex aloosan Yahuudda , taas oo luminaysa kalsoonida ay ku qabaan ammaanka dawladooda, iyo xitaa jiritaankeeda muddo fog, waana arin haysatay bulshada Yahuuda muddo dheer, lagasoo bilaabo madaxda ugu sareysa Yahuudda ilaa dabaqadaha bulshada kuwooda ugu hooseeya.
Dareenkan ammaan-darrada ah ayaa sii xoogaysanaya xilliyada ay Yahuuddu la kulmaan weerarada uga imanaya Falastiiniyiinta, xitaa haddii ay u geystaan Falastiiniyiinta dhibaatooyin ka badan kii ay u geysteen ayaga.
Intii lagu guda jiray dagaalkii duufaanta Al-Aqsa, Yahuuddu waxay geysatay ku dhawaad 5-kun oo xasuuq, oo ka dhan ahaa dadka rayidka ah, iyada oo in ka badan 42-kun oo falastiiniyiin ah ay ku shahiideen, in ka badan 98-kuna ay ku dhaawacmeen, halka wali raq iyo ruuxba lagu la’yahay inkabadan 10-kun oo qof. Waxay barakiciyeen kudhawaad laba milyan oo falastiiniyiin ah, oo noqonaya ku dhow 90% guud ahaan dadka kunool Marinka Qaza.
Si kastaba ha ahaatee, ra’yi ururin laga sameeyay Yahuudda dhexdeeda ayaa muujinaysa in aqlabiyadda Yahuuddu ay dareemayaan in looga adkaaday dagaalka, ama ugu yaraan ay ku guul-darreysteen inay guul gaaraan intii uu socday dagaalka.
Tani waxay u muuqataa, tusaale ahaan, ra’yi ururin uu sameeyay kanaalka Cibraaniga oo kaashanaya Machadka “Kantar”, kaas oo la daabacay habeenkii Falastiiniyiintu udabaaldagayeen sanadguuradii koowaad ee Duufaanta Al-Aqsa ee Oktoobar 6, 2024, wuxuu sheegay in boqoliiba 38% Muwaadiniinta Yahuudda ee ka qayb-galay kulanka ra’yi aruurinta ay xaqiijiyeen inay rumeysan yihiin in dalkoodu uu ku guul-darreysty dagaalka, halka boqolkiiba 27% ay sheegeen Kaliya inay ku kalsoon yihiin in Yahuuddu guuleysatay, boqolkiiba inta soo hartayna waxay sheegeen inaysan si gaar ah u garanayn cidda guuleysatay.
Ra’yi aruurin taas lamida oo lasameeyay, waxay ayaguna sheegayaan in boqolkiiba 41% dadka Yahuudda ah, ay hoos udhacday kalsoonida ay ku qabaan ciidankooda, dadka kunool wadamada reer galbeedka ee Yahuudda ah, ayaa boqolkiiba 86% waxay isku raacsan yihiin inysan dib ugusoo laaban doonin dhulka ay Yahuuddu haatan guumaysiga ku haysato ee Falastiin.
Ra’yi ururintan maaha oo kaliya mid dadka shacabka Yahuudda ugaar ah, balse falanqeeyayaasha iyo cilmi-baarayaasha caanka ah ee Yahuuda ayaa isla go’aano kan la mid ah qaatay, oo uu ku jiro falanqeeye militari oo lagu magacaabo Amos Harel, maqaal uu ku qoray wargeyska Haaretz, isagoo ka hadlaya weerarkii dhacay Oktoobar 7, wuxuu xusay in dagaalkan uu sii daba dheeraan doono rajada laga qabana ay aad uliidato.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay qiimeynta maqaal cinwaankiisu yahay (Riyada Bariga Dhexe iyo burburkeeda) oo uu diyaariyay Michael Milstein, madaxa Forum for Palestine Studies ee Xarunta Dayan ee Jaamacadda Tel Aviv, wuxuu sheegay in 7-da Oktoobar ay ahayd maalintii ugu dhiig daadinta badneyd ee taariikhda Yahuudda soo marta, wuxuu tilmaamay in weerarkaas uu istaratijiyadii dagaalka wax kabadalay, taasina ay noqon doonto xusuus aan ka go’i doonin maanka Yahuudda.
Maqaal lagu daabacay wargeyska Cibraaniga ah ee Zo Hedrech, oo uu qoray qoraaga caanka ah ee Avishai Erlich wuxuu yiri, “Sannadkii hore wuxuu ahaa sannadkii ugu xumaa ee taariikhda Dawladda Israa’iil soomara, iyada oo mustaqbalka waddanku uu umuuqdo mid mugdi sii galaya, waxaa muuqata in dagaal dheer lagalay, kaas oo aan lahayn yool cad, wakhti kama dambaysana aan loo qaban”.
Maqaal uu daabacay wargeyska Haaretz oo uu qoray qoraaga lagu gacaabo Haim Levinson oo ciwaankiisu ahaa: (Singing the unsayable…Israil) wuxuu ku sheegay in gabi ahaanba laga adkaaday Yahuudda, qoraaga ayaa faallo ka bixiyay, isagoo leh: “Ma jiro wasiir dawladeed oo awood u leh inuu soo celiyo dareenkeenna badbaado ee shakhsi ahaaneed.”
Waxaa jira Saddex isbeddel oo waaweyn oo arrintan keenaya, waxaa ugu horaya burburka kalsoonida ciidanka Yahuuda ee ku aadan awoodda ay u leeyihiin inay ilaaliyaan dhulka ay dagan yihiin iyo inay sugaan amniga muwaadiniintooda, tan labaadna waa dhaqaale burburka baaxada leh ee ku habsaday Yahuudda, ugu dambayntiina waxaa isbedel ku yimi ra’yiga bulshada reer galbeedka, kuwaas oo ay aad ugu iftiintay xaqiiqada Falastiin iyo Colaadda ay Yahuuddu uqabto, xitaa haddii saamaynta aragtidan aanay weli ka muuqan mawqifyada rasmiga ah ee dawladaha reer galbeedka, balse waa mid iska cad.
Intaa ka sokow, dad badan oo Yahuud ah ayaa bilaabay inay ka fikiraan badbaadinta noloshooda inta ay suurtagal tahay. Ra’yi ururin uu sameeyay kanaal xiriir la leh warbaahinta Yahuuda, ayaa daaha ka qaaday in qiyaastii rubuc ka mid ah Yahuuddu ay sannadkii hore ku fikireen in ay ka hayaamaan dhulka ay gumaysiga ku haystaan ee Falastiin, iyaga oo aan doonayn inay dib ugu laabtaan, sababo la xiriira xaaladaha ammaan ee gobalka kusoo kordhay. Inkasta oo isbeddelkan la arkay dhowr sano ka hor dagaalka, haddana aad buu u kordhay sannadkii lasoo dhaafay.
Wargeyska caanka ah ee wax ka qora dhaqaalaha “The Marker” ayaa daabacay warbixin uu ku eedeeyay wargeyska “Times of Israel” wuxuu sheegay in wargaysku uu qarinayso tirada dadka barakacay ee Yahuudda ah, taasoo lagu sheegay inay qiyaastii garayaan nus milyan Yahuudd ah.
Tani waxay noo sheegaysaa in faa’iidada iyo khasaaraha dagaalku aanu ahayn mid lagu go’aamiyo oo keliya tirada dhimashada iyo burburka magaalooyinka, dagaalku waa hab-dhaqan ballaaran oo dhinacyo badan leh, khasaarahiisuna waa kuwo ballaaran oo dhinacyo badan leh. In kasta oo ay Yahuuddu muujisay dabacsanaan ku aaddan la qabsiga xaalada dagaal joogto ah, iyo waxtarkeeda, waxay qaaday dagaal safaf balaadhan ah, Taas macnaheedu maaha inay ku guulaysatay inay si buuxda uga gudubto saamayntii Oktoobar 7, ama inay ku dhowdahay taas, balse taas badalkeeda waxaa banaanka usoo baxay fashilka kuyimi maamulka Yahuuda oo maalinba maalinta ka danbaysa isasoo taraya, waxay ififaalo cad utahay in lagaaray gabagabada maamulkan dhiigmiiradka ah.